Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa goordhaw isugu tegaya Hotel Airport halkaas oo ay ku leeyihiin shir degdega oo ay isku xaal-wareysanayaan kaddib markii ay shalay la kulmeen Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goluhu ay aqbaleen inay Villa Somalia tagaan kaddib codsi gaara oo uu Madaxwyenuhu ujeediyay Madaxda isagoo si gaara ugu qanciyay Axmed Madoobe iyo Dani inay Villa Somalia Shirka kaga qeybgalaan.
Kulankooda Maanta ayay kulafa guri doonaan habraacyda ay tahay in Madaxweynuhu u hogaansamo si ay Villa Somalia ugu tagaan niyad wanaag iyo kalsooni, talabadan ayaa loo arkaa mid muujineysa in kulankii qadada ee shalay inuu abuuray isfahan labada dhinac ah
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply