Kenya oo sheegtay in ay ka hortagtay weerar laga fulin lahaa magaalada Nairobi

War kasoo baxay Booliska ka hortaga weerararda Argagixsada ee dalka Kenya oo lagu daabacay bartooda X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ayaa lagu xusay in waaxda oo kaashanaysa hay’addda Sirdoonka ay ka hortageen waxay ugu yeereen weerar ay damacsanaaayeen kooxda al-shabaab inay ka fuliyaan gudaha Kenya.

“Qorshayaal ay maleegayeen kooxda Al Shabaab si ay dad badan oo Kenyan ah ugu dilaan magaalada Nairobi ayaa mar kale waxaa fashiliyay hay’adaha sirdoonka.”ayaa lagu yiri qoraalka CTPK.

Boolisku waxay intaas raaciyeen in muddo bilo ah oo ay samaynayeen howlgalo dabagal iyo xog aruurin qarsoodi ah ay ku qabteen, waxay ugu yeereen shabakad argagixiso oo ay sheegen inay ka hawlgallaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Howlgalkaas ayey Booliska ka hortaga weerarada argagixisada Kenya sheegeen inay horseeday inay gacanta ku dhigaan 600 xabbo oo rasaas ah, bastoolado, bam-gacmeedyo, walxo qarxa, iyo maandooriye, kuwaas oo dhammaantood sheegeen in loo waday bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Nairobi si weerar loogu fuliyo, balse ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.