Tehran (Raxanreeb Online) Telefishinka Qaranka Iiran, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in la dilay hoggaamiyihii sare ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei.
Geerida Khamenei ayaa sheegay in dalku uu geli doono 40 maalmood oo baroordiiq ah.
Mar sii horreysay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran Cali Khamenei, qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.
“Khamenei, mid ka mid ah dadka ugu xun taariikhda, waa dhintay. Tani ma aha oo kaliya mid Cadaalad u ah shacabka Iiraan, laakiin sidoo kale waa mid Cadaalad u ah dhammaan Mareykanka weyn, iyo dadka ka soo jeeda dalal badan oo adduunka ah, kuwaas oo uu Khamenei iyo kooxdiisu ku dilay ama ku dhaawacay.” sida uu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.
Sidoo kale Maraykanka iyo Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday Iran, iyagoo mar kale meesha ka saaray wada xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in xaalada ay faraha ka baxday, isla markaana Iran ay wacad ku martay in ay u aargudi doonto dilka hoggaamiyahoodii, Mareykanka iyo Israa’iil ay la kulmi doonaan cawaaqib xun.

Leave a Reply