Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ciidamo badan ku daabuleysa deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobolka dalka, halkaasi oo ay dowladu dooneyso in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab laga sameeyo
Saacadihii la soo dhaafay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo u ambabaxaya furimaha hore ee dagaalka.
Taliyaha oo ciidanka meel fagaaro ah kula hadlayay, ayaa ku dhiiri-geliyay ciidamada in ay xoojiyaan howlgalla, isla markaana dowladda ay garab taagan tahay, diyaarna u tahay in ay siiso taakuleynta ay u baahan yihiin.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan inuu yahay mid lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah dalka.


Leave a Reply