Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Turkiga uusan aheyn guumeyste cusub…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeeray aqoonyanka Soomaaliyeed Abdi Ismacil Samatr oo ku saabsanaa heshiisyada Batroolka iyo difaaca ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiir Daahir Shire, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay hadaladaas, isaga oo ku tilmaamay kuwa si qaldan loo dhigay, isla markaana lagu sheegay heshiisyadaas “ gumeysi cusub” ama “kuwa been abuur ah”.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen aqoonyahan ku qiimeeya arrimaha qaran aragtidiisa, halka uu ka fiirin lahaa danaha danta guud ee qaranka.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiska lagu galay si waafaqsan shuruucda iyo hay’adaha dalka, isla markaana ay ka turjumayaan go’aan madaxbannaan oo lagu horumarin karo danaha qaranka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in iskaashiga uu yahay mid lagu xoojinayo, amniga qaranka, horumarinta khayraadka, si loogu daneeyo jiilalka hadda iyo kuwa mustaqbalka, iyada oo weliba mas’uuliyad lais saarayo.

Ugu dambeyn wasiir Daahir, ayaa tilmaamay in dhaliilaha wax dhisaya ay muhiim yihii, balse ay noqdaan kuwa runta ah oo aqoon ku dhisan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.