Maamulka gobolka Banaadir oo daah-furay oo isbadlka Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daah-furay qorshaha isbedelka Muqdisho (2026–2030), kaasi oo ah mid hagaya qorshaha istaraatiijiga ah ee caasimadda shanta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar waara iyo kobac dhaqaale.

Qorshahaan shanta sano ee maanta lasoo bandhigay ayaa ka tarjumaya danaha guud iyo maslaxadda shacabka, isla markaana uu yahay mid lagu wajahayo caqabadaha taagan, laguna hirgelinayo aragti horumarineed oo waara, maadaama uu yahay mid ku yimid hannaan wadatashi, oo lagu mideeyay aragtiyo iyo talooyin laga uruuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijinaya in fulinta qorshahaan ay ku salaysnaan doonto isla-xisaabtan, wada-shaqayn iyo ka-qaybgal bulsho, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ka beddela nolosha shacabka iyo horumarka caasimadda.

Sidoo kale Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.