Markabkii labaad ee xamuul ah oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Sida ay sheegtay hay’adda UK Maritime Trade Operation, Markab xamuul ayaa laga afduubtay meel qiyaastii 6 mayl-badeed u jirta dhanka waqooyi Bari ee degmada Garacad ee gobolka Mudug ee Puntland.

Markabka xamuulka, ayaa la tilmaamay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay la wareegeen.

“Waxaa lasoo sheegay in dad aan la agogeyn ay la wareegeen markab xamuul ah kaasi oo dib loogu leexiyay biyaha Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaan kazoo baxay hay’adda.

Hay’adda waxa ay fartay maraakiibta ku sugan aaga in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, iyada oo tilmaamtay in ay jirto khatar sare oo la xiriirta kooxaha burcad badeeda.

Sidoo kale mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira dhacdadaan, balse faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin shaqaalaha Markabka, nooca xamuulka uu siday, ama cida afuubatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.