Dowladda federaalka oo shir wadatashi ugu baaqday mucaaradka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa shir watashi ah ugu baaqday mucaaradka dowladda, si looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sheegay isaga oo ka duuleya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, uu si rasmi ah ugu casuumayo Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.

Kulankan ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan” ayaa lagu yiri qoraalka madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xusay inuu mar kale adkaynayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Sikastaba, hadalka madaxweyne Xasan, ayaa imaanaya xili mucaaradka ay ku dhawaqeen go’aan ka dhan ah madaxweynaha marka la gaaro 15-ka May oo ku eg muddo xilkeedka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.