Muqdisho (Raxanreeb Online) Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray go’aano culus oo ku aadan marka laga gaaro 15-ka May, iyo tallaabooyin culus ay qaadi doonaan.
War-saxaafadeed mucaaradka ayey ku shegeen in wadatashiyo kala duwan ay la yesheen, wakiilada Beesha Caalamka, Ururada bulshada rayidka, culimada, Haweenka, madaxda warbaahinta, dhallinyarada, waxa ayna shegeen in kulamadaasi lagu gorfeeyey sidii dalka looga hortagi lahaa in qalalaaso siyaasadeed uu galo.
Sidoo kale mucaaradka ayaa tilmaamay in wixii ka dambeeya 15-may ay madaxweynen Xasan Sheekh u aqoonsan doonaan madaxweynihii hore.
Waxa ay shegeen in dib loo soo celin doono dhululkii laga barakiciyay dad shacabka ah. Waxa xuseen in aqoonsan yihiin dalka inuu lee yahay hal dastuur oo ah kii 2012-kii, waxa ayna kaashaanka u duruureen in Baarlamaanka labada aqal dastuurka ay ansixiyeen uu yahay mid aan heshiis lagu aheyn.

Leave a Reply