Amniga madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo adkeeyay iyo howlgallo socda…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ammaanka madaxtooyada Soomaaliya aya aad loo adkeeyay, iyada oo xalay saqdii dhexe ay ciidamada ilaalada madaxtooyada, ay howlgal iyo baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ku xeeran Villa Somalia.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dadyow kala duwan oo guryahooda ku sugnaa, waxaana la tilmaamay in baaritaano kaddib qaarkood la siidaayay.

Saraakiisha ciidamada ilaalada madaxtooyada, ayaa sheegay in howlgalka xalay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga madaxtooyada, isla markaana uu sii socon doono sida uu hadalka u dhigay.

“Cadowga Soomaaliya Khawaarij kaliya ma ahan wuu badan yahay haddan isku garab istaagno waan ka adkaan karnaa” ayuu yiri sarkaal kamid ah ilaalada ciidanka madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada, xili khilaafka u dhaxeeya mucaaradka iyo dowladda uu sii xoogeystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.