Mubaarak ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in horjooge Cali Maxamed Coloow Samaan oo wata Qori AK 47 iyo Booshkiisa kana tagay deegaanka Ugunji ayaa la sheegay inuu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogaha ayaa la sheegay in Al-shabaab dhexdeeda Afgarasho ahaan looga yaqaanay “Cabdi kaafi” waxaana la tilmaamay in horraantii 2024 safkeeda uga soo biiray Gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii sida uu sheegay uu ku tashkiiliyay horjooge Cali Xabad oo ah horjooge ay qaraabo dhow ahaayeen.
“Isa soo dhiibahan ayaa Khawaarijta uga soo dagaalamay Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo dhawaan oo gurmad ahaan loo keenay tuulada Ugunji ee Shabeellaha Hoose, si ay u xoojiyaan damac ay Khawaarijta ka laheyd dhibaateynta Shacabka, balse ay dhagartaas ka hortageen geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka. Nolol adag iyo Cabsi Xooggan oo maalmihii dambe ay wajahayeen Khawaarijta ayuu sheegay inuu u adkeysan waayay, kadibna uu garawsaday inuu jid khaldan ku socdo, taas oo ku dhalisay inuu isku soo dhiibo gacanta Geesiyaasheenna” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidanka xoogga.
Sidoo kale deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la sheegay in uu kusoo dhaweeyay Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October iyo Dhamme Maxamed Nuur Guumbe, Taliyaha Ururka 215-aad, Guutada 21-aad ee Ciidanka gaarka ah, Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply