Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ah waaxda dambi barista ee CID-da ayaa gacanta ku dhigtay nin ku eedeysan inuu dilka ka geystay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaaba Cabdifitaax Shaafici Daahir, oo ku eedeysan dilka marxuum Cali Faarax oo 60 jir ah. Sidoo kalana uu dhaawac u geystay dhibane Cabdi Jimcaale Garood.
Cabdifitaax oo baxsad ahaa ayaa la sheegay in ciidanka ay ka qabteen deegaanka Ceelmacaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo gaari la socda si uu u baxsado.
Waaxda dambi barista ee CID-da, ayaa sheegtay in ay baaris ku socoto Cabdfitaax, isla markaana galdacwadeedkiisa la diyaariyay loona gudbin doono maxkamadda awooda u leh si sharciga loo marsiiyo.
Sikastaba, dowladda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale gacanta ku dhigtay rag ku eedeysan dil, kuwaasi oo isku dayay in ay baxsadaan.

Leave a Reply