Guriceel ( Raxanreeb Online) Taliska Booliska degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle xalay dil ka geystay deegaan ku yaala duleedka degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Eedaysanaha dilka geystay ayaa lagu magacaaba Cali Cabdi Jaamac waxaana uu xalay qof shacab ah ku dilay deegaanka Madaraso Sheekh Maxamed oo aan sidaas uga fogayn deegaanka Ilix oo Dhuusamareeb hoostaga.
Taliska Booliska Guriceel, ayaa sheegay in eedeysanaha uu isku dayay inuu baxsado balse ay ciidanka booliska soo qabteen, isla markaana uu socdo baaritaano ku aadan sababta uu dilka geystay.
Sidoo kale Taliska Booliska, ayaa sheegay in eedeysanaha lagu wareejin doono maxkmad si sharciga waxa uu qabo loo marsiiyo.

Leave a Reply