Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal kuyaala Isgoyska Mirinaayo ee Degmadda Cabdicasiis, halkaas oo la sheegay in uu ka abaabulidoono Banaanbaxa 4-ta bishan Juun.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xalay si adag weerar afka ah ugu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in banaanbaxa uusan baaqan doonin, isagoo shacabka ugu baaqay in ay iskugu soo baxaan meelaha ay u cayimi doonaan Mucaaradku.
Dowladda Soomaaliya waxaa shalay digniino adag siiyey Beesha Caalamka oo Mareykanku uu ugu tun weyn yahay, waxaana loogu baaqay in ay qabato doorasho heshiis lagu yahay si dalku uusan u guda gelin Amni daro iyo Xasilooni la’aan Siyaasadeed.

Leave a Reply