Magaalada Baydhabo oo Bandow lagu soo rogay iyo sababta ?

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagu soo rogay bandow adag oo caawa dhaqan galayo, sida uu sheegay wasiirka amniga ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shir jaraa’id ee uu warbaahinta u qabtay wasiirka amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan (Joon) ayaa ku sheegay in amarka uu yahay mid kazoo baxay maamulka, maadama la galayo doorashooyin guud.

Wasiirka ayaa sheegay in bandowga uu dhaqan gali doono 7:00 habeennimo, uuna soconayo ilaa iyo Salaada Subax, isla markaana uu quseeyo dhammaan shacabka, iyada oo la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay mid lagu sugayo amniga, maadama loo diyaar-garoobaya doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo dhowaan lagu qaban doono magaalada.

Sidoo kale wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in aan hub lagu dhex wadan Karin magaalada, taasina ay tahay mid looga hortagayo amni darrada magaalada.

Ugu dambeyn wasiir Joon, ayaa shacabka deegaanka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta soo baxday, ayna la shaqeyaan ciidamada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.