Lubnaan ayaa sheegtay in Israa’iil ay maanta duqeymo cirka ah ka geysatay dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta dalkaas, kaddib markii milateriga Israa’iil ay soo saareen digniin ku aaddan ka bixitaanka magaalada Nabatieh iyo in ka badan 20 deegaan oo kale oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.
Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay la beegsatay deegaano dhowr ah, gaar ahaan agagaarka magaalada Nabatieh.
Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka AFP oo ku sugan deegaanka Nabatieh ayaa soo sheegay in uu maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay agagaarka Kafr Raman iyo qaac ka talluumaya deegaanka Kafr Benit.
Ciidamada Lubnaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mid ka mid ah askartooda uu si xun ugu dhaawacmay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen wadada isku xirta Kafr Raman iyo Nabatiyah.
Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in weerar kale lagu dilay sarkaal maxali ah oo ku sugnaa gobolka Rayhan ee koonfurta Lubnaan.

Leave a Reply