Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo warbixinno ka siiyey Hoggaamiyaha xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.
Shirka ayaa laga soo saaray go’aamo la xiriira amniga, kuwaas oo ay kamid yihiin in askari aan wadan dareeska ciidamada uusan qori ku dhex wadan karin gudaha magaalada, in baabuurta dagaalka aysan ku dhex socon karin gudaha magaalada haddii aysan ku jirin howlgal, iyo in la bilaabi doono howlgallo qorshaysan oo lagu furayo waddooyinka degmooyinka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Aadan Madoobe), ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo amni waara, isaga oo faray laamaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply