Maxey tahay halka arrin uu madaxweyne Xasan Sheekh ku difaacay Turkiga ?

Muqdisho ( Raxanreeb Onlie) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay sababta ay dowladda Turkiga ugu doorteen howlaha Sahminta Shidaalka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso cid walba oo diyaar u ah maalgashiga Kheyraadka dalka. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in iyada oo ay ogtahay dowladda Soomaaliya in ay jiraan Shirkaddo waa weeyn oo khibrad u leh arrimaha shidaalka, ay haddana doorteen in Turkiga uu noqdo cida ka shaqeyneysa Sahminta Shidaalka iyo qodistiisa.

Waxa uu xusay Xasan Sheekh, in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan sida tababarada ciidamada, qalabeentooda iyo taageerada dhaqaalaha dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan, ayaa imaanaya xili weli dood adag ay ka taagan tahay heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca Shidaalka iyo difaaca Badda, taasi oo siyaasiyiinta iyo dadka khibrada u leh ay dowladda ku eedeyeen in bulshada Soomaaliyeed loo soo bandhigin qodobada ay ku heshiyeen labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.