Liibiya ( Raxanreeb Online) Doon ay saarnaayeen tahriibayaal ku sii jeeday Yurub ayaa ku degtay Badda Mediterranean-ka meel u dhow xeebaha Liibiya, waxaana la sheegay in 51 qof la raadinayo iyado dhimasho jirto.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta iyo kooxaha la socda arrimaha tahriibayaasha, 10 qof ayaa laga badbaadiyey dhacdadan, halka la helay 11 mayd. Sidoo kale, 40 qof ayaa weli la la’yahay, waxaana socda dadaallo lagu baadigoobayo.
Shilkan ayaa dhacay 12-kii June, wuxuuna ka mid yahay musiibooyinka soo noqnoqda ee ka dhaca marinka badda ee u dhexeeya Afrika iyo Yurub, halkaas oo dad badan ay naftooda ku waayaan iyagoo raadinaya nolol iyo fursado ka wanaagsan kuwii ay ka soo tageen.
Sikastaba, Liibiya ayaa weli ah marin muhiim ah oo ay adeegsadaan tahriibayaasha ka imanaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay u gaadhaan Yurub, hase yeeshee safarradaas ayaa ah kuwo aad u khatar badan, iyadoo kumannaan qof ay ku dhinteen sannadihii la soo dhaafay.

Leave a Reply