Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Pakistan

Khyber ( Raxanreeb Online) Labo qarax oo ka dhacay wadada dhinaceeda waqooyi galbeed ee Pakistan ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo rayid ah halka tiro kale ay ku dhaawacmeen sida ay shegeen Booliska.

Booliska gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa sheegay in qaraxa koowaad lala beegsaday gaari, waxaana qaraxa labaad uu burburiyay gaari kale iyada oo dhaawacyada loo qaaday isbitaalka.

Geesta kale KooxdaTaliban-ta Pakistan ayaa dhaqdhaqaaq ka wada gobolka, balse ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradan.

Sikastaba, Pakistan ayaa marar badan ku eedaysay Afgaanistaan ​​in ay gabaad siiso dagaalyahanada ka faa’iidaysta xuduudka labada dal si ay weeraro uga geystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.