Mucaaradka oo soo bandhigay hindise doorasho oo Qof iyo Cod ah oo ku saleysan nidaamka 4.5

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay qorsho cusub oo lagu qabanayo nidaam doorasho Qof iyo Cod oo dalka oo dhan ka dhacda, iyada oo loo marayo nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Sida ay ku cad qorshaha waxaa lasoo jeediyay in la dhiso guddi doorasho oo madax-bannaan heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasi oo mas’uul ka noqon kara maamulka iyo kormeerka geedi-socodka doorashooyinka sida ku shegeen war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen in dalka oo dhan laga her-geliyo nidaam diiwaangelin codbixiyeyaal oo ku saleysan aqoonsiga biometriga, si looga hortago is diwaangelino is daba joog ah loona xoojiyo kalsoonida lagu hannaanka doorashada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Screenshot

Leave a Reply

Your email address will not be published.