In ka badan 10 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay magaalada Gasa

Falastiin ( Raxanreeb Online) Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymo cirka ah iyo rasaas ay ridayeen ciidamada Israel dhowr weerar oo kala duwan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Axmed Washah oo ka mid ahaa wariyayaasheeda lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Israel ay ku qaaday guri ku yaala xero qaxooti oo ku taal bartamaha Gaza.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya inuu ka tirsan yahay Xamaas; Aljazeera ayaa horey u beenisay eedeymahan.

Weerar kale, afar qof oo ay ku jiraan haweeney iyo labo caruur ah ayaa lagu dilay dhismo ku yaalla magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Xabbad-joojin jilicsan oo dhacday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa hakisay dagaal baahsan oo u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil, balse maamulka caafimaadka Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil tan iyo markaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.