Ra’iisul wasaare Xamsa oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha ee Shaati-gaduud, waxaa wefdiga Ra’iisul wasaaraha ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Sheekh Maxamed Nuur ( Madoobe) xildhibaano heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo mas’uuliyiin katirsan katirsan maamulka koonfur galbeed.

Ujeedka uu ra’iisul wasaare Xamsa u tagay magaalada Baydhabo, ayaa waxa ay tahay inuu ka qeyb galo xaflada caleema-saarka hoggaamiyaha koonfur galbeed, oo maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Amniga magaalada Baydhabo, ayaa aad loo adkeeyay iyada oo waddooyinka waa weyn ee magaalada la dhoobay ciidamo badan oo suganaya amniga.

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee xaflada caleema-saarka ayaa socota, waxaana goordhow la filaya in ay si toos ah u bilaabato.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.