Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.
Garoonka diyaaradaha ee Shaati-gaduud, waxaa wefdiga madaxweynaha ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha koonfur galbeed Aadan Madoobe, xildhibaano, wasiirro iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka koonfur galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababta uu u tagay magaalada Baydhabo, waxa ay tahay inuu ka qeyb galo xaflada caleema-saarka hoggaamiyaha koonfur galbeed oo maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo.
Amniga magaalada Baydhabo, ayaa aad loo adkeeyay iyada oo waddooyinka waa weyn ee magaalada la dhoobay ciidamo badan oo suganaya amniga.
Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee xaflada caleema-saarka ayaa socota, waxaana goordhow la filaya in ay si toos ah u bilaabato.

Leave a Reply