Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno katirsan kooxda AS

Shabeelaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab iyo goobo ay si sharci darro ah ugu kaydsanaayeen hub.

Howlgalka ayaa lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab. Intii uu socday howlgalka, mid ka mid ah Al-shabaab, ayaa isku qarxiyay walxaha qarxa ee uu xirnaa, hase yeeshee waxaa la tilmaamay in wax khasaare ah aysan ciidanka kasoo gaarin.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in qaraxa uu sababay in dab qabsado dhismayaal ay ku kaydsanaayeen hub iyo agab ciidan, waxaana ay tilmaameen inuu burburay keydkii hubka ee maleeshiyadka kooxda.

“Horjoogeyaasha Khawaarijta ayaa ka baxsaday goobta markii ay ogaadeen in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ay gaareen aagga howlgalka. Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga laguna baabi’inayo Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka kumaandooska Danab.

Sikastaba, ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ilaa laga xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.