Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in dadkeeda lacag ka sameyaan baraha bulshada

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo dadaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyadoo qorshuhu yahay in dhallinyarada iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ay fursado dhaqaale ka helaan baraha bulshada.

Maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mustaf Yaasiin ayaa sheegay in la xoojinayo wada-shaqeynta lala yeelanayo shirkadaha tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, si loo sahlo in hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ay si rasmi ah uga faa’iideystaan adeegyada lacag-abuurka (monetization), isla markaana ay u abuuraan shaqooyin iyo dakhli waara.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay inay muhiimad siinayso horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah, kor u qaadidda tayada wax-soo-saarka muuqaalada iyo ilaalinta xuquuqda hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, si ay ula tartamaan suuqyada caalamiga ah.

Qorshahan ayaa la filayaa inuu fursado cusub u abuuro kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku shaqeeya baraha bulshada sida YouTube, Facebook, TikTok iyo aaladaha kale ee internet-ka, kuwaas oo rajeynaya inay dakhli ka helaan hal-abuurkooda.

Dhallinyarada wax ku soo gudbiya baraha bulshada ayaa sheegay in haddii qorshahan uu hirgalo, uu wax badan ka badali doono noolashood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.