Mucaaradka iyo dowladda oo maanta ka nasanaya kulamadii u socday

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta hakad ku yimid kulamadii wada-tashiga ahaa ee u socday dowladda iyo xisbiyada mucaaradka, iyadoo dhinacyadu ay qaadanayaan maalin nasasho ah kadib kulamo isdaba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay socday.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in nasashadan ay qayb ka tahay jadwalka kulamada, isla markaana la filayo in wada-hadalladu dib u billowdaan maalmaha soo socda si loo sii ambaqaado qodobadii miiska saarnaa.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha laga wada hadlayay, haddana waxaa la sheegayaa in dhinacyadu ay muujiyeen rabitaan ku aaddan sii wadista wada-hadallada iyo xallinta arrimaha taagan iyadoo loo marayo is-afgarad iyo wadahadal.

Bulshada ayaa si weyn isha ugu haysa natiijada kulamadan, maadaama la filayo inay door muhiim ah ka qaataan xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.