Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyay eedeymo la xiriira inuu xiriir dhaqaale ama mid siyaasadeed ka helo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in wararka la faafinayo ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan ka tarjumayn xaqiiqda. Waxa uu caddeeyay inuusan jirin wax taageero dhaqaale ama heshiis siyaasadeed oo qarsoodi ah oo kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay in mowqifkiisa siyaasadeed uu ku saleysan yahay danta qaranka Soomaaliyeed, isla markaana go’aannadiisa siyaasadeed aysan ku xirnayn taageero ama saameyn uga timaadda dowlado shisheeye.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada iyo warbaahinta inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana la xaqiijiyo xogta ka hor inta aan la baahin.
Hadalkan ayaa imaanaya, xilli ay sare u kaceen doodaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo xiriirka ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed la leeyihiin dowladaha dibadda, iyadoo eedeymaha noocan oo kale ah ay marar badan qeyb ka noqdaan loollanka siyaasadeed.

Leave a Reply