Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Marwo Nadia Mohamed, oo booqasho rasmi ah ku joogta Caasimadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada St. Louis Park, is-weydaarsiga khibradaha maamulka dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta wada-shaqeynta.
Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo si diirran u soo dhaweeyay Marwo Nadia Mohamed, ayaa ku bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslimad iyo Madow ah ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in guushaasi ay tahay mid dhiirrigelin u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, islamarkaana ay muujinayso kartida iyo kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta iyo adeegga bulshada.
Dhankeeda, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Guddoomiye Dr. Muungaab soo dhaweynta iyo martigelinta uu u sameeyay, iyadoo bogaadisay dadaallada ay Dowladda Hoose ee Muqdisho ku horumarinayso adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo dib-u-dhiska Caasimadda. Waxay sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada magaalo.

Leave a Reply