Boosaaso (Raxanreeb Online) Ciidamo katirsan Puntland oo ka gadoodsan Mushahar la’aan ayaa xirtay deegaanka Faluuja ee Degmada Carmo, Kuwaas oo gabi ahaanba joojiyay isu socodkii Dadweynaha, Waddadas oo halbowle u ahayd Magaalo Ganacsiyeedka Boosaaso iyo Gobolada kale.
Sida uu noo sheegay Goobjooge Ciidamadan ayaa iskugu sheegay in ay ka titsan yihiin Guutada Afmeer ee Ciidamada Puntland, kuwaas oo Toddobaad ka hor ka soo degay Furimaha hore ee Calmiskaad kaddib markii ay waayeen Xuquuqdii ay lahaayeen.
Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay in ay wadada sii xirnaan doonto, ilaa madaxda Puntland ay wax ka qabtaan cabashooda ku aadan mushaar la’aanta ah oo dhowr bil socotay.
Ciidamada ayaa la tilmaamay in wataan gadiid dagaal iyo hub culus, isla markaanana dalabkoodu uu yahay mid adag.
Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay saraakiisha sare ee ciidamada Puntland, kaasi oo looga hadlayo gadoodka ciidanka iyo xayiraad ay sareen in la isticmaalo Waddadas oo halbowle u ahayd Magaalo Ganacsiyeedka Bosaaso iyo Gobolada kale.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamo katirsan Puntland, ay xirtaan waddo iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan awgeed.

Leave a Reply