Maxey kawada hadleyn lataliyaha amniga Qaranka Soomaaliya iyo Danjire Cabdullaahi Al-Otaybi ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Lataliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska Amniga Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya ahna Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cabdullaahi Al-Otaybi.

Kulanka ayaa looga arinsaday taageerada Jaamacadda Carabta ee dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dowlad-dhisidda, xoojinta hay’adaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan arrimaha gobolka, amniga, iyo danaha wadaagga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Jaamacadda Carabta, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.