Dowladda Baxreyn oo sheegtay in ay qaati ka taagan tahay Iran

Taliska ciidamada Baxreyn ayaa sheegay in saaja subaxnimadii ay ka hortageen oo ay dhexda ku qabteen dhowr weerar oo cirka ah oo Iran ay ku soo ridday dhulka Baxreyn.

Baxreyn waxay ku eedeysay Iran inay sii waddo hab-dhaqankeeda “colaadeed”, waxayna sheegtay in weerarradeedu ay beegsanayaan shacabka Baxreyn, taas oo ay ku tilmaantay “xadgudub cad” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Saakadii hore, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay inay weerareen oo burburiyeen dhowr bartilmaameed oo Maraykanku ku leeyahay Baxreyn, kuwaas oo ay ku jiraan bakhaarro hub ah, xarun isgaarsiinta dayax-gacmeedka, dhisme ay deganaayeen ciidamada Maraykanka iyo raadaar ay adeegsanayeen ciidamada badda Maraykanka ee hagidda hawada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.