Bangkok ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Thailand ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal caasimadda dalkaas ee Bangkok. Kooxaha dab-damiska ayaa loogu yeeray goobta waxyar uun ka dib saq-dhexe ee habeenkii Axadda.
Saraakiishu waxay sheegeen in dadkii goobta joogay ay isku dayayeen inay ka baxsadaan albaabka hore – kaas oo ay dabka iyo ololku qabsadeen – xilligii ay goobta soo gaareen shaqaalaha gurmadka.
Muqaallo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa muujinaya olol ka dhex jira dhismaha iyo haweeney dhulka ku dhacday iyadoo ay jirto jahawareer iyo buuq, ka dibna kacday si ay u baxsato.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Thailand, Anutin Charnwirakul, ayaa u sheegay weriyayaasha goobta joogay in 27 qof ay dhinteen, tiro kalena loo qaaday isbitaalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababta dabka ay weli baaritaan ku socdo.

Leave a Reply