Galdogob ( Raxanreeb Online) Taliyaha Booliska degmada Galdogob ee maamulka Puntland, ayaa faah faahin ka bixiyay nin xaaskiisa dilay oo ay gacanta kusoo dhigeen.
Taliyaha ayaa sheegay in eedeeysanaha uu dilka xaaskiisa u adeegsaday Mindi ( Toreey), isla markaana uu ka baxsaday balse howlgal kaddib ay gacanta kusoo dhigeen.
Taliyaha ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha lagu magacaabo Cabdihodan Axmed Cabdinuur, isla markaana xaaskiisa Falis ay u dhashay 8 carruur ah.
“7 KM meel u jirta oo la yiraahdo Taaloole, baan gacanta ku dhignay, isaga oo meeshii dilka ka geystay ilaa halkaas ordaya gabadhii dhimatay waa la aasay Ehelladii labada dhinac wey hehiyeen Mididii uu gabadha ku dilay waa taas iyada oo dhiig weli leh Eedeysanihii waa kaas halkaa ku xiran, Taliye gabadhaas waxey u baahan tahay cadaalad” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Galdogob.
Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in Eedeysanaha kaliyaha uu maqalka la’yahay, balse inta kale uu ka caafimaad qabo.
Ugu dambeyn Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, G/Sare Maxamuud Muuse Bille Farda-fuul, oo booqday Saldhigga Booliska degmada Galdogob, ayaa sheegay in eedeysanaha lagu hayo xabsiga sida ugu dhaqsiyaha badana maxkamad loo horkeeni doono.

Leave a Reply