Muqdisho ( Raxanreeb Online) Qaar kamid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM, iyagoo carrabka ku adkeeyay in howlgalkaasi uusan ahaan karin mid sii socda muddo aan xad lahayn. Iyaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay diyaariso ciidanka Qaranka, si ay amniga guud ee dalka la wareegaan.
Sidoo kale, waxaa la xusay in guusha howlgalka ay ku xirnaan doonto iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah. Mas’uuliyiintu waxay ku baaqeen in la kordhiyo taageerada dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo maalgelinta ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala guurka.
Warbixintu waxay xustay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay hadda ka doodayaan sidii loo heli lahaa qorshe cad oo Soomaaliya ugu wareegeyso mas’uuliyadda amniga, iyadoo ay la tixgelinayaan caqabadaha dhaqaale iyo kuwa amni ee wajahaya howlgalka.
Dhanka kale, khubarada amniga ayaa aaminsan in inkastoo horumar laga sameeyay la dagaallanka kooxaha hubeysan, haddana ay weli jiraan caqabado u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo. Waxay ku taliyeen in qorshaha bixitaanka ciidamada AUSSOM uu noqdo mid ku saleysan xaaladda dhabta ah ee amniga, si looga fogaado in ay soo baxaan firaaqo amni oo saameyn ku yeelan kara shacabka.
Digniinta Midowga Afrika ayaa muujineysa in AUSSOM loo arko howlgal ku-meel-gaar ah, halka mas’uuliyadda ugu dambeysa ee amniga Soomaaliya ay tahay mid ay tahay in ay la wareegaan ciidamada iyo hay’adaha amniga ee dalka.
Howlgalka AUSSOM ayaa biloowday sannadkii 2025, iyaga oo badalay ATMIS waxaana ujeedadiisu ay tahay in ciidamada dowladda Soomaaliya, ay taageeraan xasilinta deegaannada laga saaray kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegtay in ay diyaarisay ciidamo si heer sare ah loo tababaray oo la wareegaya amniga guud ee dalka.

Leave a Reply