Riyaad ( Raxanreeb Online) Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gobolka Casir ku dishay shan qof oo kale oo u dhashay Itoobiya, waxa ayna wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya sheegtay in muwaadiniintan la dilay maalintii Axadda.
Wasaaraddu waxay soo saartay bayaan ay ku qoran yihiin magacyada muwaadiniinta lagu xukumay dilka.
Horaantii bishii Nofeembar, Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale dishay laba Itoobiyaan, halka bishii Oktoobarna ay dishay afar kale.
Sida lagu sheegay bayaanka, muwaadiniintan waxaa la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay daroogo ama xashiish ka tahriibinayeen xadka. Xukunnadan dilka ee ugu dambeeyay ayaa kordhiyay tirada muwaadiniinta dhowaan lagu fuliyay ama lagu xukumay dil.
Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in baaritaannada lagu ogaaday in Itoobiyaankaasi ay galeen falal dambiyeed.
Waxay sidoo kale sheegtay in xukunnada dilka loo fuliyay “si looga ilaaliyo muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxyeellada ay daroogadu leedahay.”
Sacuudi Carabiya ayaa sii wadday fulinta xukunnada dilka inkastoo bilihii la soo dhaafay ay ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay’ado kale oo kala duwan walaac ka muujiyeen qoysaska dadka la xukumay.

Leave a Reply