Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay Kenya

Nairobi (Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkeedi Kenya, kaddib markii la sheegay in Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada, Abshir Bukhaari, laga hor istaagay inuu galo Kenya, isla markaana dib loogu celiyay Muqdisho, sababo la xiriira su’aalo laga keenay baasaboor Kenyan ah oo lagu eedeeyay inuu watay. Sida ay sheegtay Warbaahinta kenya iyo DW.

Dhacdadan ayaa laga yaaba inay sii kordhiso khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Sidoo kale tallabadaan ayaa timid bil kadib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, laga hor istaagay inuu galo Kenya, iyadoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ku helay baasaboor dalka Kenya.

Ilaa iyo hadda, dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya midkoodna kama aysan hadlin wararkan ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa inta qaata Baasaboorada dalalka Kenya, Ethiopia, iyo Dhammaan Dalalka Reer galbeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.