Muqdisho ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyaysay dadkii ku dhintay daadadkii ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolka Amxaarada.
Roobabka mahiigaanka ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur lixaad leh oo deegaanka soo gaaray.
Sidoo kale bayaanka kasoo baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dowladda Itoobiya xilligan adag.
“Soomaaliya waxay tacsi u diraysaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibadan, waxayna u muujinaysaa sida ay uga xuntahay ugana murugooneyso dadka ku dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraalka kazoo baxay wasaaradda arrimaha dibada.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay bogaadinayso dadaallada socda ee lagu baadi goobaayo laguna badbaadinaayo dadka ay masiibadu saameysay.


Leave a Reply