Maxey kawada hadleyn madaxweyne Xasan iyo Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Jabuuti ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyada oo Madaxweynaha uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada amniga, la dagaallanka kooxda Al-shabaab iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.