Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxda maamul goboleedka Jubbaland, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ciidamada ammaanka Puntland iyo ciidanka PSF, ku dhexmaray xero ku taalla waqooyi magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland, ayaa lagu cambaareeyay dagaalka iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyey inuu colaado ka hurinayo deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
“Waxaa nasiib darro ah in iyada oo ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Argagaxisada ay heli la’yihiin hub iyo saad ku filan si ay u difaacaan goobihii u dambeeyay ee Argagaxisada kula dagaalamayaan gaar ahaan gobolka Hiiraan hadana hub iyo agab ciidan lagu daabulayo deegaannada nabadoon oo ay ka jirto amni iyo kala dambeyn” ayaa lagu yiri qoraalka kazoo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Sidoo kale Jubbaland waxa ay sheegtay in tallaabooyin ay khatar ku yihiin nabada, xasiloonida iyo wada-noolashada bulshada, isla markaana wiiqaya horumarka muuqda ee laga gaaray amniga iyo dib u-heshiisiinta magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambeyn maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu bogaadinayo midnimada ay muujiyeen dowladda iyo shacabka Puntland, iyo sida ay uga hortageen qorshaha lagu burburin rabay jiritaanka Puntland.
Dagaalkii maanta ka dhacay magaalaa Gaalkacyo, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.


Leave a Reply