Maxey kawada hadleyn wasiir Fiqi iyo madaxda ka socotay Qaramada Midoobay?

Muqdisho (Raxanreeb Onlin) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, iyo Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Sandra Lattouf.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee khuseeya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bani’aadannimada iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay la wadaagay aragtida dowladda Federaalka ee ku aaddan xaaladda dalka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa fursad u ahaa dhinacyada in ay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada bani’aadannimo،isla markaana la daala dhacaya duruufo nolaleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.