Dagaal Dhexmaray Ciidanka Jabuuti iyo kooxda Xuutiyiinta

Jabuuti (Raxanreeb Online) Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Jabuuti ayaa ku dhaawacmay iska horimaad hubeysan oo dhex maray ciidamada badda iyo doon looga shakisan yahay inay ku lug lahayd tahriibin, sida ay Sabtidii sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Jabuuti.

Dhacdadan ayaa ka dhacday biyaha dhuleed ee Jabuuti, xilli ciidamada badda ay ku jireen roondo caadi ah. Ciidamada ayaa arkay doon ku soo wajahan xeebaha Jabuuti, waxaana ay isku dayeen inay qabtaan oo ay baaritaan ku sameeyaan.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa la sheegay inay ka timid Yemen, iyadoo ay saarnaayeen dhowr qof.

Markii ciidamada badda Jabuuti ay u soo dhowaadeen, doontii ayaa isku dayday inay ka baxsato oo ay dib ugu cararto dhanka Yemen. Ciidamada Jabuuti ayaa bilaabay inay daba galaan doonta, waxaana halkaasi ka dhacay eryasho kooban oo badeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in intii ay daba socdeen, doontii looga shakisan yahay tahriibinta ay si lama filaan ah u soo jeesatay, kadibna ay rasaas ku furtay ciidamada badda ee Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ayaa ka jawaabay rasaasta, waxaana iska horimaadkaasi ka dhashay dhaawaca laba askari oo ka tirsan ciidamada badda.

Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin xaaladda dadka saarnaa doonta, cidda ay ka tirsan yihiin iyo haddii ay jiraan dad lagu qabtay dhacdada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.