Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Jaamac ayaa doorashada kaga adkaaday Xildhibaan Cabduqaadir Cumar Macalin (Daada) oo ahaa musharraxa kale ee u tartamayey xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiyo, ayaa sheegtay in Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu helay 142 cod, halka Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) uu helay 30 cod.
Sidaas darteed, Jaamac uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya.
Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ahaa xildhibaan katirsan golaha shacabka iyo wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliy

Leave a Reply