Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Lafta-gareen iyo Taliye Shub ay yihiin argagixiso

Muqdisho ( Raxanreeb Online_ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan marnaba ku dhawaaqin in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Taliye Shub ay yihiin argagixiso.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn hadallada ama tallaabadii arrintaas la xiriirtay, isagoo meesha ka saaray in dowladda federaalka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in labadaasi mas’uul ay yihiin argagixiso.

“Annaga marnaba ma dhihin Laftagareen iyo Taliye Shub waa argagixiso, waxa dhacayna shaqo kuma lihin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku soo aadaya xili maalmo kahor duqeyn khasaaro dhalisay lagu garaacay guri uu degganaa Taliyihii hore ee Asluubta Jeneraal Mahad Shub, kaasi oo ku yaalay degmada Doolow ee gobolka Gedo ee koonfur Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.