Baydhabo ( Raxanreeb Online) Afhayeenkii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay doorka ay dhinacyada shisheeye ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay garab ka heleyso dalal shisheeye. Waxa uunta intaas ku daray in taasi aysan beddeli karin xaqiiqda ah in go’aanka iyo masiirka deegaanada Koonfur Galbeed ay leeyihiin dadka deegaanka.
“Diyaarado iyo gaadiid shisheeye waad keensan kartaan, laakiin go’aanka iyo masiirka deegaannada Koonfur Galbeed wuxuu gacanta ugu jiraa dadkeena,” ayuu yiri afhayeenka.
Hadalka afhayeenka, ayaa xambaarsan fariin siyaasadeed oo xooggan, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu adkeynayo in arrimaha la xiriira mustaqbalka iyo maamulka deegaannadaasi lagu go’aamiyo rabitaanka dadka deegaanka, halkii ay saameyn weyn ku yeelan lahaayeen dhinacyo dibadeed.

Leave a Reply