Al-Shabaab oo afduubtay shacabkii ku dhaqnaa Ceelbuur

Al-Shabaab oo afduubtay shacabkii ku dhaqnaa Ceelbuur

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha maamulka degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa warbixiyay xaaladda degmadaas oo uu muddo dibad joog ka ahaa, kadib markii ay shalay laga saaray xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in degmada ay burbursan tahay, isla-markaana uusan ka jirin wax horumar ah, isaga oo sheegay inay Al-Shabaab u dhigeen magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu kooxda ku eedeeyay inay inta badan afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku dhaqnaa Ceelbuur, kahor inta aysan ka bixin degmadaas oo ay ku sugnaayeen 15 sano,

“Waxaan u tegnay magaallo ay cadodwga dadkii daganaa ka afduubteen oo ay afduub u heystaan ilaa iyo hada wax dhaqdhaqaaq ah ama hormar ah kama jiraan halkan” ayuu yiri.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa sidoo kale xusay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, ayna kasoo deyn doonaan dadka ay qafaalatay.

“Insha allah waan ka daba tegi doonaan, waana kasoo furan doonaa dadkaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xaaladda degmada ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Dhanka kale, dadka ka faallooda arrimaha ammaanka waxay ku macneeyeen qabashada Ceelbuur in awoodii kooxda iyo niyadii dagaalyahada Al-Shabaab ay hadda wiiqantay.

Magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo Galhareeri, Caad, Camaara, Bacaadweyn iyo Jowle ay ku jiraan ayaa weli ku maqan gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda laga saaro gacanta kooxda Shabaab.