Al-Shabaab oo weerar ay damacsanaayeen laga hortagay

Al-Shabaab oo weerar ay damacsanaayeen laga hortagay

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah koonfurta gobolka Mudug halkaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka dhacday meel u jirta degmada Xarardheere 40km halkaas oo ay isku uruursanayeen kooxdaasi.

Weerarkan ayaa lala eegtay saldhigyo ku yaalla halkaasi islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan, oo la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaasi looga hortegay weerar ay Al-Shabaab doonayeen inay ku qaadaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegtay in lagu dilay halkaasi Shabaabkii ugu badnaa, iyo dhaawacyo culus oo soo gaaray, waa sida hadalka u dhigeen.

Saraakiishan ayaa intaasi ku daray in la bur buriyay gaadiid dagaal iyo xarumo kooxda ku lahayd halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah, mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Dowladda Soomaaliya, ayaa inta badan duqeysa saldhigyada kooxda Al-Shabaab, gaadiidka, iyo horjoogeyaasha sar sare, ee kooxda Al-Shabaab.