Riyad (Raxanreeb) — Shirkadda weyn ee saliidda ee Aramco, ayaa ku dhawaaqday iney heshay faa’iido dhan $161.1bn (£134bn) 2022, taasoo ay keentay kor u kaca qiimaha tamarta, iyo suuq geynta xaddi tiro badan.
Waxay ka dhigan tahay kororka 46.5% ee shirkadda ay dowladdu leedahay, marka la barbardhigo sannadkii hore.
Tani waa shirkaddii ugu dambeysay ee tamarta, ee shaacisa faa’iidada tirada badan ee usoo xarootay, ka dib markii qiimaha tamarta uu sare u kacay, duullaanka buuxa ee Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Shirkadda Maraykanka ee Exxon Mobil ,ayaa sheegtay inay macaashtay $55.7bn, halka Shell-ka Britain ay sheegtay iyana inay faa’iiday $39.9bn.
Aramco ayaa waxa kale oo ay ku dhawaaqday saami-qaybsiga $19.5 bilyan ee bilaha Oktoobar ilaa Diisambar ee 2022, oo la bixin doonno rubuca hore ee sanadkan 2023-ka.
Inta badan lacagtaas saami-qeybsiga ah, ayaa waxay u dhici doontaa dawladda Sacuudi Carabiya, oo leh ku dhawaad 95% saamiyada shirkadda.
Saliidda ceyriin ee Brent iyo qiimaheeda, ayaa hadda lagu kala iibsadaa qiyaastii $82 foostadii – in kasta oo qiimuhu kor u dhaafay $120 foostadii bishii Maarso, ka dib duullaankii Ruushka, iyo June ee sanadkii hore.
Leave a Reply