Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo maalinta berri uu ka furmo doono shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgaashiga.
Maanta oo Axad ah waxaa maamul goboleedka Puntland loogu soo dhoweeyey wufuud caalami ah oo ka qaybgelaya shirweynahan.
Wafdigana maanta gaarey magaalada Garoowe waxaa hogaaminaya Guddoomiyaha Ganacsatada Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Xubnahan waxaa ku wehelinayey Wafti ganacsato ah oo ka socda dalka Shiinaha.
Magaalada waxa ka socda qaban qaabada shirkan inuu ka furmo magaalada Garoowe , halkaas oo ay ku sugan yihiin ganacsato badan oo ajaaniib ah.
Shirar looga hadlay shirka beri ka furmaya magaalada Garoowe ayaa sidoo kale waxa uu magaalada uga socdaa ganacsato Puntland ah iyo kuwa ajaaniin ah
Leave a Reply