Askari katirsan ciidanka dowladda oo shacab ah ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa askari katirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah xalay ku dilay xaafada Oodweyne ee degmada Deynille ee gobolka Banaadir.

Askariga ayaa la sheegay in uu dilka u geystay wiil dhallinyaro oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Muuse, waxaana la tilmaamay sababta keentay dilka in ay tahay murun soo kala dhex galay askriga iyo marxuumka.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in eedeysanaha lagu horkeeni doono cadaalada, si tallaabo sharciga looga qaado.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile waaxda Odwayne, ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in eedeysanaha ku jira gacanta Booliska, loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.